Ku-xigeenka Xog-hayaha guud ee Qarama Midoobey Dhinaca Siyaasada oo Maanta Yimid Muqdisho

0
70

Ku-xigeenka xog-hayaha guud ee Qarama Midoobey dhinaca siyaasada Jeffrey Feltman ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana uu kulamo la qaadanayaa madaxda dowladda.

Waxaa lagu wadaa in mas’uuliyiinta dowladda iyo ku-xigeenka xog-hayaha Qarama Midoobey ay ka wada hadlaan arrimaha siyaasada, horumaradii la sameeyay iyo waxyaabaha hor-yaala sida dib u eegista dastuurka iyo sidii dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod.

Jeffrey Feltman oo wehliyo wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa kulan la leh guddoonka baarlamaanka labada Aqal iyo wasiiru uu ka mid yahay wasiirka dastuurka Soomaaliya.

Kulankan ayaa looga hadlayaa arrimaha dib u eegista dastuurka iyo siyaasad loo dhan yahay, waxaa kulanka ku sugan guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo kuxigeenkiisa Abshir Bukhaari.