Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa xalay dib u furay Taalada Axmed Gurey oo ku taalla bartamaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska KM4.
Taabit oo halkaasi warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in ay wax weyn ka tareyso Taaladan Nabadda iyo bilicda caasimadda, shacabkana looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay wadaan qorshe ballaaran oo lagu soo celinayo, laguna dayactirayo taallooyinkii taariikhiga ahaa iyo goobihii nasashada ee ay magaaladu lahayd.
Dhowaan sidoo kale waxaa dib loo furay Taalada Dhagaxtuur ee degmada Waaberi, oo dib u dayactir lagu sameeyay, taasi oo lagu soo aadiyay maalmihii xuriyadda Soomaaliya.