Magaalada Muqdisho xalay waxaa kulan ku yeeshay Xildhibaanada labada Gole ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).
Sida aynu ku heleyno wararka qaar Muqtaar Roobow oo hore ula kulmay xubno ka tirsan Xukuumadda oo wada hadalka Dowladda uu kula jiro u xilsaartay in Roobow uu codsaday waxyaabihii ay ka wada hadleen in uu la wadaago xubnaha labada Gole ee Koonfur Galbeed ku metela Baarlamaanka Soomaaliya, taasina llaga aqbalay sidaasina uu ula kulmay.
Sidoo kale xubnaha labada Gole laftigooda waxay codsadeen in ay si gaar ah ula kulmaan wadaadka, qeybna ay ka noqdaan wada hadalka Dowladda Soomaaliya ay kula jirto Sheekh Muqtaar.
Qaar ka tirsan xildhibaanadii xalay la kulmay Roobow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qodobada qaar Dowladda iyo Roobow ay isku mari la’yihiin, halka qaarkoodna ay isku afgarteen.
Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), oo ilaa hada uusan dhexmarin kulan toos ah.