Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed oo la hadlay VOA ayaa sheegay weerarkii xalay ka dhacay degaanka ee gobolka Shabeellaha Hoose in ay fuliyeen Ciidamada Dowladda Federaalka, oo aysan lug ku laheyn Ciidamo kale.
Wuxuu sheegay Wasiirka Difaaca Soomaaliya dadka halkaasi lagu laayay in ay ahaayeen 9 Qof oo rag ah, kuwaasi oo hubeysnaa, diideyna in ay dhigaan Hubka, xabadna bilaabay, Ciidamadana ay sidaasi ku dileen.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in la baarayo hadii ay yihiin dadka la dilay maleeshiyo beeleed iyo ururka Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale beeniyay wararka sheegaya in howlgalkaas ay qeyb ka ahaayeen Ciidamo ay leedahay Shirkadda Bancrof-ta oo Ciidamada ka taageera dhanka Howlgalada.
Si kastaba arinta ha ahaatee deegaanka ayaa beryahan waxaa ku sugnaa kooxo kasoo kicitamey gobolada dhexe ee dalka oo xoog ku heystey beeraha iyo shacabka deegaanka bariire.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada