Xoogag ka tirsan xarrakada Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Daba oo ka tirsan degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Wararku waxaa ay sheegayaan in iska horimaad uu dhaxmaray ciidamo Kenyaan ah oo ku sugnaa saldhig deegaanla ku yaala iyo Al-shabaab, waxaan la sheegay in ciidamada Kenya iska caabiyen weerarka.
Hasse ahatee dagaalamayaasha ayaa bur buriyay dhismayaal waaweyn oo ganacsi iyo Anteenooyinka Shirkaddo isgaarsiineed.
Lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo weerarkaas ka dhashay oo soo kala gaaray labada dhinac ee ciidamada booliska Kenya iyo xoogagga Al-shabaab ee weerarka fuliyay.