Diyaaradaha Militeriga ee dowladda Mareykanka ayaa dagaalyahan ka tirsan Al Shabaab ku dilay deegaan u dhow magaalladda Barawe, kadib duqeyn ay fuliyeen, sida uu sheegay taliska howlgalka Mareykanka ee Africa.
War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in duqeynta ay dhacday, khamiistii lasoo dhaafay.
Bishii June ee sanadkan ayeey aheyd, kaddib markii Diyaarado Dagaal, oo loo maleynayo inay ku lug leeyihiin Ciidamada Mareykanka, ay Duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyeen Degmada Toora-Torow, ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Diyaaradaha ay bartilmaameedsadeen dhowr Gobood, oo saldhigyo u ah Al shabaab, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Hoggaamiyaal sare oo katirsan Kooxdan Jihaad-doonka ah.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca alshabab oo beeninaya ama rumeynaya sheegashada mareykanka ay sheegatey iney duqeymo ka geysteen deegaanadaas.