Dhegeyso Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo U Jawaabey Xasan Eelaay

0
190

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya kana soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa jawaab ka bixiyey hadal dhawaan oo si aan ka fiirsasho leheyn ugu hadley wasiirka amniga maamulka shariif xasan oo lagu magacaabo Xasan Eelaay.

Wasiirkaas ayaa xildhaanada qaran ee kasoo jeeda ku tilaamey iney yihiin eeyo isla markaana ay la shaqeeyaan alshabab qaarkoodna ay qoraan dadka raba iney ka mid noqdaan aslahabab.

Maxamed Xuseen Afaraale ayaa sheegey in ay la tiigsan doonaan maxkamada ninka sidaa u hadley isla markaana laga doonayo in uu cadeymo ka bixiyey eedeynta uu usoo jiidiyey xildhibaanada qaranka ee kasoo jeeda koonfur galbeed.

Si kastoo ahaatadaba hadalada aan ka firsashada leyheyn ee kasoo dhadhaca maamulka uu hormuudka u yahay shariif ayaad waxaa moodaa iney masuul ka tahay aqoon darida heysata maamulkaas intooda badana wexey garaneyn in xildhibaanada qaranka ee kasoo jeeda deegaanadaas ay masuul ka yihiin iney ka hadlaan arimaha quseeya maamulka iyo weliba guud ahaan dalka.

Hadaladii Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraalena waxaa kamid ahaa.

Xildhibaan Afaraale

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Xildhibaan Afaraale Mobil