Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa saaka aroortii weerar qorsheeysan ku qaaday saldhig ay ciidamada Jubaland iyo kuwa xoogga dalka ku lahaayeen deegaanka Buulo gaduud oo qiyaastii 30 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.
Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay gudaha u galeen deegaanka Buulo gaduud, ayadoo adeegsanaya gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo weerar toos ah, waxaana halkaasi uu dagaal xooggan ku dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamadii ku sugnaa deegaankaasi.
Taliyaha ciidamada Jubaland Gen. Aadan Goojaar oo la hadley qaar ka tirsan warbaahinta ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar uga yimid Al-shabaab, haatanna ay ku suganyihiin Buulogaduud, isagoo intaa ku daray in wixii faahfaahin ah ay dib ka sheegi doonaan.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.