Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Madaxweynaha Cusub Hirshabeele oo Sheegey In Doorashada Ay Dhici Doonto Xiligii Logu Tala Galey

0
51

Xildhibaan Maxamuud Xuseen Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle, ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso qaban-qaabada doorashada madaxtinimada ee maamulkaasi.

Xildhibaanka, ayaa sheegay in aysan dhici doonin dib-u-dhac ku yimadda xiliga doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

12 bishan September, ayaa la filayaa in Magaalladda Jowhar ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle.

Baarlamaanka maamulka Hirshabele ayaa bishii October ee sanadkii 2016 madaxweyne u doortay Cabdi Cabdulahi Cosoble oo helay codad gaaraya 61 cod.