Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo Ka Hadley Arinta Qalbi Dhagax

0
100

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arin xiisad siyaasadeed ka dhax abuurtay bulshada Soomaaliyeed oo ah ku wareejintii dowladda Itoobiya Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax yahay shaqsi ka soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya danbiyo culusna ka galay deegaanka, isaga oo sheegay in sida laga yeelayo ay u taallo dastuurka Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka banaan-baxaan dadka ay Al-Shabaab ku dilayaan Muqdisho.

Warka ku saabsan Qalbi-Dhagax ayaa noqonaya kan loogu hadal heynta badan yahay guud ahaan marka aad eegto bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan warbaahinta lagu wado xiriiro oo dadku siweyn u falanqeynayaan.