Amiin Camir ayaa maanta bogiisa waxaa uu kusoo qaatey sawir uu kaga hadlaayo kooxda in mudo ahba dadaalka ugu jirtey sidey u duman laheyd xukuumada Xasan Cali Kheyre.
Kooxda aan aqrin qoraalada ama heshiisyada ay la galaan caalamka oo uu hor kacaayo reysuwasarihii hore Cumar Cabdirashiid iyo xildhibaan mahad oo in mudo ahba u ololeynaayey difaacida shaqsiyaadka dulmiga bulshada kau haya ee kasoo jeeda beeshiisa ayaa maanta waxaa rabaa inuu bulshada ka gado in uu yahay wadani ka danqadey dhiibistii Qalbi dhagax taasoo aan waxba ka jirin.
Si kastaba arintu ha ahaatee tan iyo burburkii dowladii kacaanka waxaa dalka aad ugu soo badanaya kooxo isku sheega iney yihiin siyaasiyiin isla markaana sita sharar kala duwan oo u shaqeeya danaha dalalka deriska iyo wadamada danaha ka leh dalka somaliya.