Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalladda Muqdishu Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta dhagax-dhigay waddada Jeneral Daa’uud ee dhexmarta Degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda.
Waddada maanta la dhagax-dhigay ayaa waxaa ay isk-xirtaa isgoys-ka Boondheere iyo taallada daljirka-Daahsoon.
Waddada la dhagax-dhigay ayaa muddo bur-bursaneeyd islamarkaana isticmaalkeeda dhibaatooyin ay ku qabeen gaadidka iyo bulshada.
Waxaa uu ka codsaday Shacabka degan Hareeraha Wadadaasi in ay la shaqeeyaan ciidamada Ammaanka inta uu socdo dhismaha wadada.
Dayactirka waddooyinka muhiimka ah ee magaalladda Muqdishu, ayaa waxaa ay ku socdaan si heersare ah, sida ay aaminsan yihiin dadka ku nool caasimadda Soomaaliya