Qarax Goor Dhaweyd Ka Dhacay Wadada Maka Almukarama ee Magalada Muqdisho

0
82

Waxaa kol dhaweyd qarax aad u weyn uu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka gaar ahaan ka soo horjeedka Hotel Wehliye ee dhanka degmada Waaberi.

Qaraxan oo ahaa mid si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo la sheegay in la soo dhigay goobta.

Qaraxa kadib Ciidamada ammaanka oo markii horeba la sheegay in ay hayeen xogta gaariga oo goobta soo gaaray ayaa afarta jiho rasaas u diray, iyaga oo durbadiiba xiray wadada.

Saraakiisha Gaadiidka gar gaarka deg dega ah e Ambalaasta ayaa goobta durbadiiba soo gaarey si ay si ay uga soo qaadaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay sheegeen qaraxan in ay ku dhinteen ilaa Saddex qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale.

Qaraxyadan ay abaabulayaan alshabab ayaa maanta waxaa uu ka dhacay gobolkii seddexaad ayadoo uu horey uga soo bilowdey gobolka bay magaladiisa baydhaba, gobolka hiiraan magaladiisa baledweyne iyo gobolka banaadir oo uu maanta marti u yahay.