Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in hadda ka dib aan loogu dulqaadan doonin Askarta ciidamada dowladda dilalka ay u geystaan dadka rayidka ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto askari ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Waddooyinka, kaasoo shalay qof shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho.
Askariga ka tirsanaa Ciidamada Taraafikada ayaa shalay agagaarka Geed Jaceyl ee degmada wardhiigley ku dilay nin lagu magacaabo Cumar Ismaaciil Sheekh Xasan.
Guddoomiye Taabit ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay marxuumkaas, waxaana uu sheegay in cadaalada la horkeeni doono, si loo marsiiyo waxa uu sharciga qabo