C/laahi Maxamed Idiriss (Leesto) La-taliyaha Shariif Xasan Sheekh Aaden Oo Shir Jaraa’id ku qabtey xerada uu shariifka ka degen yahay magalada baydhaba ayaa sheegey in horumar uu ku talaabsadey maamulka fadhiidka ah ee uu shariif xasan hogaamiyaha k yahay taasoo qof kastaa uu arki karo ineysan run eheyn.
Leesto ayaa qurbo joogta ku sugan dalalka Mareykanka, Australia iyo Sweden. ku eedeeyey iney ka shaqeynayaan burburinta maamulka shariif xasan isagoo dhanka kalana ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ay u horumarin lahaayeen waxa uu ugu yeerey maamul.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa nasiib daro ah in siyaasiyiinta taageersan shariif xasan ay horumarka u arkaan waxoogaa shilimaad ah oo ayaga noloshooda ay ku maareeyaan balse aysan dan ka leheyn in shacabka koonfur galbeed ay horumarka kula tartamaan maamul goboleedyada kale ugana baxaan darxumada ku heysata xerooyinka magalada muqdisho iyo kuwa ku yaala magalada baydhaba maadaama deegaanada ugu qanisan dalka ay ku nool yihiin.
Halkan hoose uga dhegeyso mobilkada