Qof Soomaali ah oo qaxooti ku ahaa dalka Canada ayaa loo soo qabtay weerarkii magaalada Edmonton ee gobolka Alberta oo shan qof lagu dhaawacay,
Abdulahi Hasan Sharif oo da’diisa lagu sheegay 30 sano jir ayaa looga shakisan yahay in uu tooriyeeyay nin booliis ah uuna maalintii Sabitada dhaawacay afar qof oo kale oo marayay wadada hareeraheeda.
Askariga booliiska ah ee la dhaawacay ayaa xakameynayay zaxmada gawaarida galeysay ama kasoo baxeysay garoon lagu dheelayay ciyaar ka mid ah tartanka kubadda cagta ee Canada, markii lagu dhuftay gaari xawaare sare ku socday kadibna lagu weeraray mindi.
Sida ay sheegeen warbaahinta maxaliga ee Canada, calan ay leeyihiin kooxda Daacish ayaa laga helay gaarigii lagu dhuftay askariga booliiska.