Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Xaley Markii Ugu Horeysey Ka Hadley Khilaafka Siyaasadeed ee Dalka Ka Jira

0
56

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo khudbad ka jeedinayay maalintii shalay munaasabad kooban oo uu ku saxiixay sharciga Isgaarsiinta, waxaa uu dhinaca kale uga hadlay marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo.

Maxweynaha ayaa sheegay xukuumada uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre mas’uul ka tahay arrimaha Siyaasada, Amniga iyo Dhaqaalaha dalka oo ay tahay in looga danbeeyo.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in muddadii uu jirtay xukuumada wax badan la soo maray iyo caqabado sida uu hadalka u dhigay ay cashar ka barteen.

‘’Dowladnimadu waa wax adag oo u baahan in ay la maamulo meel kasta fiiriya dowlad kasta oo aduunka ah soo qaata, marka Annaga muddadii Lixda bilood aheyd ee aan jirnay wax waan soo marnay laakiin marka uu qofku socod baranayo heerar kala duwan ayuu soo maraa sidaa daraadeed in dhibku noo soo hormaro weyn noo wanaagsan tahay waayo waan ku Ad-adkaaneynaa’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili khilaaf adag oo dhinaca siyaasada uu soo kala dhaxgalay qaar ka mid ah maamul gobolleedyada dalka ka jira iyo dowladda dhexe oo isku haya cida mas’uul ka ah arrimaha siyaasada dalka oo dhinac walba gaar u sheeganayo.