Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii maxkamada sare ee sharciga ka dhigtay xil ka qaadistii dhawaan qaar ka mid ah xildhibaannada ku sameeyeen.
Waxaa uu sheegay Xaaf in Galmudug aysan waligeed yeelan Maxkamad, qoraalka Maxkamadana uu yahay mid aan waxba ka jirin.
Xaaf ayaa isaga oon ka fiirsan 27-kii September ee sanadkan ku dhawaqay in dib loo howlgeliyo maxkamadda sare si ay go’aan uga gaarto khilaafka taagan, hasse ahaatee markii uu soo baxay go’aanka maxkamada ayuu sheegay in Galmudug wali yeelan maxkamada sare.
Tan iyo wixii ka danbeeyay ku dhawaaqistii Xaaf ee taageerada xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga maamulka Galmudug waxaa uu lugaha la gallay qalalaase siyaasadeed oo sababay in dhamaan mas’uuliyiinta sare ee maamulka kalsoonida lagala noqdo.