Kulankii Khamiislaha ee Golaha Wasiirada oo Maanta Xilka Looga Qaadey Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka

0
81

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha ammaanka dalka, Warbixin ku saabsan shirkii New York, xilka qaadis ay sameeyeen Golaha Wasiirada iyo arrimo kale.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyay shirkii uu uga qeyb galay New York, wuxuuna sheegay aduunyadu in ay u heelan tahay Soomaaliya.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale intii uu socday kulankooda waxa ay Caalamka ka codsadeen in Dowladda laga cafiyo lacagaha lagu leeyahay, si dalka uu hormaro u gaaro.

Golaha Wasiirada ayaa ugu dambeyntii sheegay in ay xilkii ka qaadeen Xisaabiyihii guud ee Dowladda Soomaaliya Axmed Yuusuf Siraaji, islamarkaana xilkaasi loo magacaabay Xisaabiye cusub oo lagu magacaabo Faadumo Cismaan Faarax.