Wasiirka wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beylle ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha ay dowladda wado oo ah soo daabicista lacago cusub.
Wasiirka ayaa sheeegay in dowladda soomaaliya oo kaashaneysa Bankiga Aduunka ay socdaan qorshe lacago cusub lagu soo daabacayo.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay mar walba in Soomaaliya ay lacago cusub soo daabacdo islamarkaana ay ka shaqeynayaan hormarinta lacagahaasi, isaga oo intaa ku daray in tirada lacagaha la soo daabacayo la isku afgartay balse ay socdaan qorshaha lagu daabici lahaa oo keliya.
Dowladda Federaalka ee Somaaliya xilligaan adag ee lagu jiro waxaa lagama maarmaan ah in dalka ay u sameyso lacago daboola baahida bulshadu u qabto fududeynta adeegyada ganacsiga.