Dhegeyso: Gudomiyihii Hore ee Gobolka Sh/ Hoose oo Xukumada Iyo Amisomba Ka Codsadey In Ciidamada Bariire ee Shacabka La Dhex Dejiyey Laga Dhex Saaro

0
117

Gudoomiyihii hore ee gobolka shabelaha hoose oo maanta warbaahinta magalada muqdisho kula hadley ayaa ka hadley dhibaatooyinka heysta shacabka ku nool deegaanka bariire ee gobolka shabelaha hoose.

Cabdulkhadir siidi ayaa ugu baaqay Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM in looga baahan yahay in ay ciidamada ka saaraan gudaha deegaanka Bariire balse ay wanagsan tahay in ay geeyaan duleedyada deegaanka si hadii lagu dagaalamo aysan waxyeelo u soo gaarin Shacabka.

Shir Jaraa’id uu Maanta Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sidoo kale dalbaday in la dhiso buundada deegaanka Bariire oo ay Al-Shabaab dhawaan burburiyeen, mana la aqbalayo dad mudo dhowr iyo labaadan Sano aan waligood barakicin in ay hadda qaxaan.

Cqaadir Siidii

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Cqaadir Siidii mobil