Dowlada Mareykanka oo Sheegtey In Cuno Qabateynta Dhinaca Dhaqaalaha Laga Qaadey Dalka Suudan

0
57

Xukuumada Washington ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay ka qaadayso cuno qabatayn dhaqaale oo ay ku soo rogtay dalka Sudan sanadkii 1997dii.

Dowladda Mareykanka ayaa tallaabadan ku tilmaamtay in ay ka dhalatay kaddib markii ay dowlada Sudan qaaday tallaabooyin ay wax uga qabanayso dhibaatooyinka iyo colaadaha ka jira qeybo ka mid ah dalkeeda.

War ay soo saartay afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada Mareykanka Heather Nauert ayaa lagu sheegay in cuno qabataynta si rasmi ah loo qaadi doono 12ka bishan Octobar 2017.

Laakiin dhinaca kale Sudan ayaa weli ka sii mid ahaan doono wadamada ay dowlada Mareykanka u aqoonsan tahay in ay caawiyaan argagaxisada sidaa darteedna cuno qabataynta hubka lagama qaadi doono dalka Sudan.