Shirkii Dib u Egista Dastuurka ee Maanta ka Furmi Lahaa Magalada Muqdisho oo Dib u Dhac ku Yimid

0
50

Shirweynaha Qaran ee dib-u-eegista dastuurka oo qorshuhu ahaa in uu maanta furmo ayaa dib u dhacay kaddib markii ay ka baaqdeen ka qeybgalka shirka wafuudii la filayay in ay ka yimaadaan maamul gobolleedyada dalka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa shaaca ka qaaday in shirka uu arrimo farsamo dib ugu dhacay.

Shirkan ayaa qorshihiisa ahaa in uu socdo muddo labo cisho ah, iyadoo Muqdisho ay soo gaareen Ururada bulshada rayidka iyo dad ka yimid qurbaha oo lagu casuumay.

Maamul gobolleedyada dalka ka dhisan ayaa qaadacy ka qeybgalka shirka oo maanta oo Axad ah ka furmi lahaa magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale ka hor yimid shirka guddiyada dastuurka labada golle ee dowladda.