Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa markii ugu horeysay shaaciyay inuu ka badbaaday qorshe Dowladda Federalka Soomaaliya ay isku dayday oo ku aadan in gacanta lagu soo dhigo.
Axmed Ducaalle Geelle ayaa sheegay Dowladda inay u soo dirtay ciidan isugu jira Nabad Suggid iyo Militari oo lagu amray inay gacanta ku soo dhigaan Madaxweynaha Galmudug, balse arintaasi uu iska difaacay.
Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa wuxuu ugu baaqay inay ka shaqeyso nagaadshaha marxaladda Siyaasadeed ee dalka, loona baahan yahay kaalin muuqata inay ka qaadato oo aysan ku mashquulin arrimo kale.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada