Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka soconaya shir halkaa uga furmaya madaxweynayaasha maamul gobolleedyada dalka ka dhisan, waxaana shirkan daah furay oo martigalinaya madaxweynaha maamulka goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya Axmed Maxamed Islaam furay, C/wali Maxamed Cali (Gaas), Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Cabdi Waare iyo Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo xubno kale oo ka socda maamul goboleedyada.
Axmed Madoobe oo furey kulankaasi ayaa sheegay in shirka uusan aheyn mid ay isku baheysanayaan dowladda Federaalka, islamarkaana ujeedku yahay sidii wixii mugdi ah oo jira loo dhamayn lahaa.
Ammaanka magaalada Kismaayo gaar ahaan goobta uu shirka ka furmay ayaa aad loo adkeeyay.