Micheal Keating oo Ku Baaqey In Si Nabad ah Lagu Dhameeyo Khilaafka Ka Jira Maamulka Galmudug

0
41

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa ugu baaqay madaxda sare ee Galmudug in ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka ka dhex taagan.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo nabad-galyada deegannada maamulka Galmudug islamarkaana ay heshiiyaan madaxda sare.

Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya in ay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa maamulada dalka ka jira.

Micheal Keating ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya awooda ay heysataa ay tahay maamul goboleedyadda.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay faragelin qaawan ku sameysay maamulka Galmudug.