Maanta oo ay taariikhdu tahay 11ka Oktoobar 2017ka, Xildhibaanda maamulka KG ayaa warbixin ay diyaariyeen u diray Wasiirada, Xildhibaanada, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, bulshada rayidka ah, culumaa’uddiinka, waxgaradka, Qurba joogta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku abtirsata Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Bayaankan oo lagu xusay maamul xumada iyo musqa baahsan ee uu ku kacay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane. Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaan halkan hoose ku xusayna kuwooda ugu muhiimsan:
1. Madaxweynaha maamulka K/Galbeed mas’uuliyaddiisa waa u adeegida iyo ka shaqaynta danaha shacabka gobollada K/Galbeed, nasiib darro madaxweynaha wuxuu gudan waayay waajibaadkiisa isagoo ku fiirsaday una danqan waayay dhibaatada haysata shacabka uu masuulka ka yahay.
2. Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed wuxuu ku bixiyaa lacago aad u farabadan ku duulista diyaaradaha dalka gudahiisa iyo dibediisa isagoo xarunta maamulka ka maqan 85% waqtigiisa, iyadoo wax dan ah ugu jirin maamulka iyo shacabka K/galbeed, halka shacabkii uu magacooda kursiga ugu fadhiyay ay ku habsatay abaaro, gaajo, cuduro iyo colaad iyadoo maalinkasta ay dhimanayaan tiro dad ah, xoolahoodiina u dhamaanayaan Biyo iyo baad la’aan. inta uu ka maqan yahay Baydhaba xarunta maamulka ma jirto Madaxweyne Kuxigeen sharci ah oo waafaqsan dastuurka siinaya awoodihii maamul si aanu u dhicin (Gap) ama firaaq.
3. Madaxweynaha Maamulka wuxuu u horseeday maamul xumadiisa in la joojiyo mashaariicdii iyo dhaqaalihii loogu deeqi jiray maamulka K/Galbeed , halka ay mashaariicdooda horumarineed loo fuliyo Maamul Goboleedyada kale, taas oo sabab looga dhigay inuu maamulkiisa buuxin waayay sharuudihii laga doonayay oo kala ahaa:
a. Kabixida maamulka K/galbeed Kumeelgaarnimada.
b. Dhisiddii hay’adihii Maaliyada iyo isla xisaabtanka.
c. Xisaab celin la’aanta wixii horey loogu deeqay.
4. Iyadoo hubkii uu lahaa maamulka ee loogu tala galay sugida amniga deegaannada iyo gobollada K/Galbeed uu ku wareejinayo kuna hubeynaayo qabaa’ilada qaarkood kuwa kalena laga iibinaayo kooxaha nabad diidka ah, si qalqal loo galiyo nabad galyada deegaanadaas taasoo ujeedadiisu tahay inaan lala xisaabtamin maamulka, laguna mashquulo amni darrada Goboladaa.
5. Gobolka Sh/Hoose oo ah Gobolka ugu muhiimsan wax soosaarka dalka ayaa waxaa ku habsatay colaad aan dhamaad lahey oo ay isku badalaan kooxo magacyo kala duwan sheegta una diiday shacabkii deganaa inay helaan nolol iyo nabad, halkaas oo ka socoto barakicin baahsan oo naxariis laheyn, burburin ilihii wax soo saarka beeraha, Gubid qaar kamid ah guryahii ay deganaayeen iyo biliqaysi hantida ay lahaayeen shacabka degaanka dekanaa, iyadoo qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ay qayb kayihiin waxa halkaas kasocda, kuwa kalena raali kayihiin dhibaatadaas.
6. Madaxweynaha wuxuu mar walba ku xad gudbaa dastuurka udagsan Maamulka KGS qodobada uu jebiyay waxaa ka mid ah:
a. Qodobka 43 faqradiisa 2aad
b. Qodobka 44aad faqradihiisa 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad
c. Qodobka 48aad faqradihiisa 1aad iyo 3aad.
Gunaanad
Kadib markaan u kuurgalnay abaarta, colaada iyo dhibaatada heysata Shacabka kunool Gobolada K/Galbeed ee Soomaaliya isla markaana uu dayacay Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan Mas’uuliyadii ka saarneyd wax u qabashada shacabkaa.
Ka dib markay cadaatey daahfurnaan la’aanta maamulka K/Galbeed ayay hay’adaha iyo Beesha caalamka hakiyeen mashaariicdii iyo dhaqaalihii horey loogu ogolaaday Maamulka.
Kadib markaan aragnay ku xadgudubka Dastuurka iyo sharuucda u degsan maamulka isagoo goorwalba curyaamiya madaxbanaanida hay’adaha Sharci- dajinta iyo cadaalada si aan loo helin isla xisaabtan dhab ah.
Kadib markaan helnay qataraha amni ee ku soo wajahan shacabka gobolada K/Galbeed iyadoo hogaanka maamulkana ku mashquulsan yahay dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo isaga u gaar ah.
Hadaan nahay Golaha Wakiilada KGS oo mas’uuliyadoodu tahay la xisaabtanka hay’adaha fulinta iyo Madaxweynaha Maamulka KGS waxaan KA CODSANEYNAA masuuliyiinta heer Federaal, siyaasiyiinta KGS, odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee halkan fadhida in ay nagu taageeraan gudashada waajibaadkeena dastuuriga ee kuwajahan Madaxda iyo maamulka KGS.
Wabillahi Towfiiq.