Waxaa maanta Magaaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xildhibaan Cismaan Macalin oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa saxaafada u akhriyay shirkii jaraa’id ee kasoo baxay kulankoodii.
Cismaan Macalin ayaa sheegay in Shariif Xasan uusan wax u qaban dadka dega deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Shariif Xasan uu ku fashilmay hogaaminta Maamulka Koonfur Galbeed, uuna faraha la galay go’aan aan loo dirsan oo u ula jeeday mowqifka uu ka qaatay khilaafka Wadamada Khaliijka.