Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta booqday goobtii uu qaraxa ka dhacay shalay Isgoyska Zoobe iyo Isbitaalada la geeyay dadkii ku dhaawacmay.
Madaxweynaha ayaa mid mid u gacan qaaday dadka ay dhaawacyada ka soo gaareen qaraxii shalay, isagoo u rajeeyay in uu Alle uu bogsiiyo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa goobtii qaraxa ka dhacay kula kulmay dadweyne raadinayay eheladooda, waxaana uu uga tacsiyadeeyay geerida eheladooda, samirna uu alle ka siiyo.
Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah iyo calanka oo hoos loo dhigay, sidoo kale waxaa uu dadka ugu baaqay inay u soo gurmadaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxa.