Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa booqday Xarunta Gurmad Qaran, oo ay ka socdaan Howlo lagu caawinayo dadka dhibaatada soo gaartay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi kula hadlay dadka ehelkooda ka maqan yihiin, wuxuuna sheegay in dowlada ay kaalin muhiim ah ka qaadaneyso sidii dadka maqan loo heli lahaa.
Madaxweynaha ayaa si weyn ugu mahad celiyay Guddiga Gurmad Qaran oo uu sheegay inay hayaan hawlo aad u wanaagsan oo muujinaya sida dowlada ay u garab taagan tahay shacabka.
Xarunta waxaa yaalla talleefoono gaar ah loogu talagalay in ay soo wacaan dadka wali baadigoobaya Eheladooda ka maqan si gacan looga siiyo, waxaana uu madaxweynuhu ka jawaabay talleefoonno dhowr ah oo ay soo direen dad shacab ah oo baadigoob ku haya dad ka maqan oo lagu la yahay Qaraxa.