Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Al Jazeera qeybtiisa Afka English-ka ayaa Al-shabaab ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen Qaraxii Zoobe ee galaaftay nolasha dadka badan oo Soomaali ah.
Al-shabaab ma aysan sheegan Qaraxan laakiin madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in faraha Al-shabaab ay ka muuqdaan Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee 14kii bishan ka dhacay Isgoyska ugu mashquulka badan caasimada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa sheegay haddii ay Al-shabaab ku guuleystaan dagaalka hadda socda ay fikirkooda qaldan sida uu hadalka u dhigay u gudbin karaan Yurub iyo America
Al-shabaab ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan gabi ahaanba Qaraxa waxaana uu madaxweyne Farmaajo yiri’’ “Waxaan u maleynayay in ay sheegan doonaan, laakiin waxay og yihiin in ay mas’uuliyad aad u weyn ay noqon laheyd”.