Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), oo shacabka kula hadley magalada muqdisho ayaa ku hanjabay inay ka jawaab celin doonaan weerarkii argagixiso, ee maalintii Sabtida ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha, ayaa sheegay in musiibadan dhacday ay ahayd dhibaato culus oo taabatay dareenka shacabka Somaliyeed, ayna ku bedeli doonaan midnimo iyo wadaniyad, oo ay ugu horeysay in dhalinyarada Somaliyeed ay u kacaan dalkooda, si lamid ah, sida dhalinyaradii ka horeysay ee dalkooda mugdiga ka saartay.