Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dowlada Federaalka oo Maanta Kulmey

0
105

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeeshay magalada Muqdisho, Kulanka waxaa shir guddoominaayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, waxaana goobjoog ahaa inta badan Xubnaha Aqalka Sare.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa dood adag ka yeeshay Khilaafka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada Dalka Sidoo kale waxa ay dood ka yeeshay shirkii Madaxda Maamul goboleedyada ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo iyo qodobadii ka soo baxay.

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwanaaday qodobadii ka soo baxay Shirkii Kismaayo lagu qabtay.

Sanatarada qaar ayaa soo jeediyay in shirkaasi uu ahaa mid ay ku saxnaayeen Madaxda Maamul goboleedyada isla markaana go’aanada ka soo baxay uu ahaa mid waxtar leh halka Sanatarada qaar ay ku doodeen in Shirka Kismaayo uu ahaa shir lagu duminaayay dowladnimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta barito ah dooda halkeeda laga sii wadayo isla markaana go’aan mideysan laga soo saarayo Khilaafka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada Dalka.