Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw u dhoofay magaaalada Kampala ee dalka Uganda socdaal qeyb ka ah safar uu ku tagi doono qaar ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa madaxda dalka Uganda kala hadli doona arrimo badan oo ay ka mid tahay dardar galinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda qeybo ka mid ah dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa in uu socdaalo ku soo maro dalalka dariska ah qaarkood, gaar ahaana dalalka Jabuuti iyo Ethiopia, isaga oo iyagana kala hadli doona xaaladaha dalka howlgalada ay isku diyaarinayaan ciidamada dowladd.
Safarka madaxweynaha waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo masuuliyiin kale.