Guddoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir Maxamed Ismaaciil C/laahi oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay Qaraxaasi dadkii ku dhintay in ay ka mid ahaayeen 39 qof oo degaan ahaan ka soo jeeday degmada Kaxda, halka dhaawacana uu yahay 14 qof, kadib tira koob ay sameeyeen oo ay ku ogaadeen.
Wuxuu kaloo uu sheegay Guddoomiye Maxamed Ismaaciil dadka ku dhintay Qaraxaasi ee ka soo jeeday degmadiisa in ay ahaayeen dad danyar ah oo qabsan jiray shaqooyin yaryar oo ay ka mid ahaayeen ka ganacsiga Cadayga, ilmaha yaryar ee kabaha dadka u maraya, dad xoogooda ku xamaalan jiray iyo waxyaabo kale.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada