Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo La Kulmey Madaxweynaha dalka Ugandha

0
66

Madaxwnaha dowladda SoomaaliyaMaxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Uganda, ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaa Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne waxa ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, amniga gobolka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa dhankiisa tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha labada dal, wax ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.