Dowlada Mareykanka iyo Itoobiya oo Ka Wada Hadley Xaalada Somaliya

0
81

Dowladda Mareykanka ayaa ammaanka Soomaaliya kala hadashay Urur goboleedka IGAD kaddib shir ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Mareykanka waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in si weyn loo taageero dowladda Soomaaliya oo xilliggaan dagaal weyn kula jirtay Al-shabaab.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Nikki Hale ayaa kulan looga hadlayay ammaanka Soomaaliya la qaadatay madax ka tirsan IGAD iyo sidoo kale midowga Africa.

Waxa ay sheegtay in Midowga Afrika laga doonaayo in ay garab istaagan dowladda Soomaaliya, islamarkaana la xoojinaayo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ahna madaxa urur goboleed IGAD ayaa dhinaciisa sheegay in dowladaha gobolka ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagu jira Al-shabaab .