Micheal Keating oo Ka Hadley Caleemasaarkii Waare Ayaa Sheegey In Nabadgelyo Xumida Keentey Baahi

0
52

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo maalintii shalay khudbad ka jeedinayay munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha Hirshabeelle ayaa soo hadal qaaday arrimaha Amniga iyo Saboolnimada laga dhaxlay abaarta.

Waxaa uu sheegay in Keating in shacabka Soomaaliyeed xiligan wajahayaan xaalad amaan darro, loona baahan yahay si xaaladaasi ay uga baxaan garab istaag iyo hiilo, iyo in la kordhiyo dagaalka ay ku jiraan ciidamada dowladda.

Wuxuu kaloo sheegay Mickeal Keating in laba qof oo ka mid ah Saddexdii qof ee Soomaali ah in aysan heysan wax ay cunaan, maadaama dalka uu qaabilay Abaaro aad u xanuun badan oo wali ay muuqato saameyntooda.

“Beesha Caalamka waxay dooneynaa in ay garab istaago Soomaaliya, in ay maalgelin ku sameyso hormarinta nabad-gelyada, kaabayaasha dhaqaalaha, shaqa abuurka, horusocodka nidaamka Dowladda, ayuu yiri” Keating.