Reysulwasaraha Xukumada Federaalka Xasan Cali Kheyre oo Maanta u safrey Dalka Turkiga

0
65

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta u ambabaxay dalka Turkiga, isagoo casuumaad rasmi ah ka helay dowlada Turkiga.

Ra’iisul wasaaraha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, isagoo inta uu joogo dalka Turkiga lagu wado inuu kulamo la qaato madaxda dalkaasi isla markaana booqdo dadkii ku dhaawacmey qaraxii zoobe ee ku sugan cisbitalada dalka turkiga.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyadoo ay ka wada hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya, sida dowlada Turkiga ay kaga qeyb qaadan karto dagaalka dalka looga xureynayo Al shabaab.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare ayaa uga mahad celin doona Madaxweynaha Turkiga gurmadka shacabka iyo dowlada Turkiga ay u sameeyeen shacabka Soomaaliyeed ee waxyeelada ay ka soo gaartay Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe.