Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Dalka Romania oo soo Badbaadiyey Tahriibayaan Ay Ku JIraan Somali

0
206

71 qof oo kasoo kala jeedda dalalka Suudaan, Suuriya iyo Soomaaliya, oo ay ku jiraan 20 caruur ah iyo 22 haween, ayaa laga soo badbaadiyay Badda Aegean xilli ay ku socdaalaayeen doon , waxaa soo badbaadiyay askarta Booliska xuduudka ee Romaaniya ayagoo xiligaasi ku jirey xaalad adag.

Sida laga soo xigtay Kormeeraha Bilayska Qaranka dadkaani ayaa doonaayay in ay si sharci daro ah ku galaan Qaaradda yurub, waxaana la sheegay in Muddo dhowr Saacadood ah ay dhex jireen Badda.

Ilaalada xuduudaha ayaa gargaar, cunto iyo biyo ugu deeqay dadka la badbaadiyey, iyadoo dhowr saacadood ka dib ay si nabadgelyo ah ugu degeen dekedda magaalada Chios waxaana lagu wareejiyey mas’uuliyiinta Giriigga.

Tan iyo bilawgii sanadkaan, ilaalada xuduudaha Romaaniya waxay badbaadiyeen, in ka badan 1,300 oo dad ah oo dhibaato ku haysta doomaha yaryar.