Guddiga difaaca baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in xildhibaanada golaha shacabka ay si deg deg ah ku horgeyn doonaan sharciga la dagaalanka argagixisada.
Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ah Xoghayaha guddiga difaaca baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii xildhibaanada ay u horgeyn lahaayeen sharciga la dagaalanka argagixisada, si awood dheeraad ah ay u helaan laamaha amniga.
Wuxuu sheegay shacabka Soomaaliyeed in ay u baahan yihiin amni, wuxuuna tilmaamay mar walba in aan loo baahneyn Tacsi iyo Baroordiiq, balse muhiim ay tahay in lala yimaado qorshe midkaas ka duwan.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxxa ka dhacaya dalka somlaiya ayaa ah wax ay masuuliyadeeda leedahay dadkii loogu tala galey iney ilaaliyaan aminiga dalka, Taasoo mar walba sababto in kuwa doonaya iney dhibaatooyinka geesteen u sahasha.