Wararka aynu ka heleyno gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gadiidka dagaalka ka soo gudbeen xudduuda uu gobolka la wadaago Itoobiya.
Ciidamadan ayaa gaaraya illaa Kun Askari, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan inay wataan hub culus.
Dhawaan ayey eheyd kolkii madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa isagoo ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya in gacan lagu siiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Saraakiisha Gobolka Gedo ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan ciidamadan iyo ujeedadooda.