Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in illaa 90 Xildhibaan ay saxiixeen mooshin ka dhan ah hogaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xildhibaannada aya Shariif Xasan ku eedeeyay xil gudasho la’aan iyo ku tumasho dastuurka maamulkaas iyo kan dowladda Federaalka.
Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in xilligan xildhibaanada iyo Shariif Xasan aanu wada shaqeyn ka dhaxeyn, isla markaana xilkii loo igmaday uu gudan waayay.
Magaalada Baydhabo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, waxaana la sheegay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay magaalada Baydhabo u joogaan arrimo la xiriira ololaha ka dhanka ah Shariif Xasan.