Dhegeyso:Saxiixa Mooshinkii Laga Wadey Shariif Xasan oo Taagan Heer Gabo Gebo Ah

0
161

Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Dubad Maxamed Dhaqane oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in uu meel gabagabo ah marayo Mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Waxayna tilmaameen in Mooshinkan ay saxiixeen in kudhow 100 Xildhibaan, islamarkaana dhawaan ay u gudbin doonaan gudddonka Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Shariif Xassan in uu dayacay Maamulkaasi, islamarkaana uu ku fashilmay hoggaanka.

Sidoo kale Xildhibaan Dubad Maxamed Dhaqane ayaa isna sheegay in Shariif Xasan uu ku fashilmay Shaqadii loo igmaday isla markaana Xildhibaanada Koonfur Galbeed ay ka Go’an tahay in ay xilka ka qaadaan.

Xildhibaan K G Amiin

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Xildhibaan K G Amiin Mobil