Taliska Mareykanka ee Africa ayaa war ka soo saaray weerar duqeyn ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu qaaday saldhigyo Daacish ku lahaayeen waqooyi bari Soomaaliya, gaar ahaan buuraleyda Buqa ee agagaarka degmada Qandala ee Gobolka Bari.
Warka ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay xubno ka tirsan Daacish, isla markaana ay wali qiimeynayaan natiijada ka dhalatay duqeynta.
Duqeyntan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo lagu qaaday Kooxda Daacish ee saldhigooda yahay Gobolka Bari ee Puntland.
Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ayaa dhaq dhaqaaqyo ka waday deegaanada Puntland, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ay ku qaadeysay weeraro uu ka mid ahaa Is qarxin.