Xaawo Xasan Maxamed oo Hanjabaad Kala Kulantey Maamulka Fadhiidka ee uu Hogaamiyo Shariif Xasan

0
142

Wali iyadoo Xaalad Siyaasadeed oo kacsan ay ka taagan tahay Baydhaba ayaa xilligaan waxaa soo baxaya Xildhibaano iyo Siyaasiyiin sheegaya in lagu Handaday Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay.

Xaawo Xasan Maxamed (Lahelow) oo horey usoo noqotay Wasiirkii Caafimaadka Xukuumadii Cumar C/rashiid oo shalay gaartay Magaalada Baydhaba ayaa sheegtay in la handaday.

Xaawo Xasan ayaa sidoo kale sheegtay in horey loo handaday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maamulka fadhiidka ee shariif xasan hogaaminaayo ayaa beryahanba waxaa uu magalada baydhabo ka wadey hanjabaad ay u jeedinayaa shaqsiyaadka mucaaradka ku ah asagoo u adeegsanayey falalkaas taliyaha ciidan bosliska gobolka ninka lagu magacaabo Mahad.