Dowladda Soomaaliya oo soo jeedisay joojinta shirka Somali Oil

0
52

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo jeedisay joojinta shir la sheegay inay qaban qaabineyso shirkad lagu magacaabo International Research Network (IRN), kaasoo looga hadlayo, macdanta gaaska iyo saliidda Soomaaliya.

Shirka ayaa la qorsheynayaa in bisha March ee sanadka dambe lagu qabto magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasiirka batroolka iyo macdanta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed oo nuqul kamid ah uu soo gaaray warbaahinta daafeet media, ayaa lagu sheegay in wasaaradda batroolka aanay ka warheyn wax shaqo ahna aysan ku laheyn shirkaas.

Warka qoraalka ah ayaa lagu caddeeyay in golaha baarlamaanka federaalku aysan wali meel marin sharciyada batroolka ee Soomaaliya

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in ku dhawaaqidda shirka uu sababay jahawareer dhinaca wasaaradda, shirkadaha shidaalka iyo kuwa maalgashi, kuwaasoo wasaaradda wax ka weydiinayay qaabka uu shirka u dhici doono.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in wasaaradda batroolku ay la xiriirtay dhammaan hay’daha dowladda ee quseeya arrinkan, sidoo kalena ay shirkadda IRN fartay inay ka laabato ku dhawaaqisteeda ku aaddan shirkaas.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay wasaaradda batroolka Soomaaliya oo ku qoran Af-ingiriis.