Madaxweynayaasha maamul gobolleedka qeybta ka ah dowladda federaalka oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta hortagay mudanayaasha Aqalka sare.
Ugu horayn waxaa halkaasi warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay Aqalka sare iyo shaqadooda waxay tahay ka soo jeediyay Abshir Maxamed Axmed guddoomiye Koowaad ee gollaha Aqalka sare.
Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Maxamed Cabdi Waare, Shariif Xasan Shiikh Aadan, Axmed Maxamed Islaam iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Aqalka Sare ay matalaan maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyaga halkaas ka jeediyay Khudbado ay kaga hadlayaan xaalada dalka iyo in loo midoobo dagaalka Al shabaab iyo sidii hormar balaaran loo gaari lahaa .
Waa markii ugu horaysay ee Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada xubinta ka ah dowlada Soomaaliya ay hortagaan kulana la qaataan mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.