Ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ka bilaabay gobolka Shabeellaha hoose howlgal ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo gobolkaas lagu tilmaamo saldhig ugu balaaran ee Al-shabaab guud ahaan marka la eego dalka Soomaaliya.
Lt Col Bagenda, oo ah Taliyaha ciidamada Holwgalka Uganda qeybta 11-aad ayaa sheegay ciidamada AMISOM oo garab ka helaya kuwa xoogga in holwgal culus ay ka wadaan gobolka Shabeellaha hoose, si la isugu furo jidadka xiriiriya gobollada Shabeellaha hoose, Bay iyo gobolka Banaadir.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay Ciidamada AMISOM oo aad u hubeysan garabna ka helaya Ciidanka xoogga in ay howlgalka ka bilaabeen deegaannada duleedka ka ah Afgooye, Balidoogle, Ceelasha-biyaha, Ciraaq, Basra, iyo degaano kale.
Wuxuu kaloo sheegay ciidamada AMISOM ujeedka ay Soomaaliya u joogaan in ay tahay in ay ka go’an tahay sugidda ammaanka Soomaaliya, sidoo kalena door weyn ka ciyaaraan geeddi-socodka xasilinta.