Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay xarunta wasaaradda gaashaandhigga wasiiru- dowlaha wasaaradda ahna ku-simaha wasiirka gaashaandhiga iyo saraakiisha ugu sarraysa ciidamada xoogga dalka.
Saraakiisha ciidamada ee uu la kulmay madaxweynhu ayaa sheegay in ay guula ka soo hoyeen jiidda hore oo ay la wareegeen deegaano markii hore ay gacanta ku hayeen Al-shabaab.
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyey saraakiisha ciidamada ayaa kula dardaarmay in ay ka soo dhalaalaan rajada ay bulshada Soomaaliyeed ka qabaan ciidamada, dhinaca kalana shacabka looga baahan yahay in ay is barbar taagaan ciidamada.
Safarka madaxweynaha uu ku tegey xarunta wasaarada gaashaandhiga ayaa ku soo beegmaya xil uu dhawaan ku baaqey dagaal ka dhan ah alshabab kaasoo uu ciidamo dheeri ah ka dalbaday dowlada igad.